Get Adobe Flash player

Gorfaynta Buugga Xirsi: “Miyiga ilaa Madaxtooyada” – W/Q. Maxammad Saleebaan Cumar

Q. 1aad: Sideedaba, ma hawlyara in qof qoro buug sooyaal ummadeed ka warramaya. Waa arrin u baahan

halabuur, hawlkarnimo, hubsiino iyo dedaal dheeri ah. Sidoo kale, arrin sahlan ma aha in wax laga qoro dhacdooyin iyo maalmo weli sii qoyan oo nolosha mujtamaca si toos ah u taabanaya.

Ugu horrayn, waxa aan ka cudurdaaranayaa in aanan falanqaynta buuggan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” ku soo wada ururin karin qormo iyo laba. Sidaa darteed, maadaama wax ka ogaanshaha buugga loo jeelqabo, waxa aan isku koobayaa in aan si gaar ah ugu nasto meelaha macnaha weyn inoo wada samayn kara. Sidoo kale, aniga oo tixgalinaya codsiga qoraha ee ah in maadaama uu buuggani yahay waxsoosaarkiisii kowaad indho lexjeclo leh lagu akhriyo, waxa aan isku dayi doonaa in aanan gorfayntan ku talaxtagin.

Buuggan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waxa uu ku saabsan yahay xusuustii iyo aragtidii mid ka mid ah siyaasiyiinta loogu hadalhaynta badan yahay Somaliland. Waa Xirsi Cali Xaaji Xasan oo 2010kii ilaa 2015kii ahaa gacanyaraha kowaad ee Madaxweyne Siilaanyo. Waa xaqiiqooyinka ku qarsoon hoggaamintii Madaxweyne Siilaanyo oo ka mid ah qaddiyadaha ka-hadalkooda sida weyn loogu kala aragti fog yahay.

Buuggu waa qoraaga, qoraaguna waa buugga. Sidaas darteed, ma aha laba arrimood oo sinnaba loo kala qaadi karo. Sidaas darteed, mar haddii aynnu ka hadlaynno buugga Xirsi Cali X. Xasan ee “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waa khasab in aynnu hal iyo laba ka nidhaahno qoraha.

Dadka Xirsi taageeraa waxa ay ku doodaan in uu yahay nin daacad ah, hawlkar ah, deeqsi ah oo runsheeg ah. Waxa kale oo ay sheegaan in uu guulo cuddoon soo hooyay muddadii uu madaxtooyada ku sugnaa, markii uu iska casilayna madaxtooyadii casilantay.

Aragti taa aad uga durugsan waxa qaba dadka aan la dhacsanayn siyaasaddiisa oo u arka in uu Xirsi awooddii Madaxweynaha si foolxun ugu tagrifalay, adeegsaday awoodo ka badan kuwii sharcigu u oggolaa, hanti badan musuqay, dad badan ku dulmay, isla markaana hannaankii dawladnimo, sharciyaddii iyo midnimadii wadareed ee dalka ku burburiyay. Waxa kale oo ay qabaan in uu yahay nin aad u indho adag oo bilaa yaxyax ah. Indho adayggaas laftiisa dad baa ku jecel.

Buuggan waxa daabacday shirkadda ASAL oo sida la sheegay dalka gudihiisa ku daabacday habeenkii ka horreeyay bandhigga. Tayo ahaan, si fiican ayaa loo daabacay marka loo eego daabacaad maxalli ah oo degdeg ah, walow aan la dafiri karin qaabaynta iyo nashqadda buugga ee laga qurxoon yahay iyo xabagta jilicsan ee waraaqaha isku haysa.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay 341 bog iyo ilaa 23 bog oo isugu jira tusmo, gogolxaadh, afeef, mahadnaq, hibayn, i.w.m. Waxa uu ka kooban yahay labaatan cutub oo ilaa lix ka mid ahi aanay xidhiidh toos ah la lahayn waxa buugga laga fili karo. Waa cutubyada ugu horreeya oo badankoodu ka warramaya taariikhdii gumeysiga iyo maxmiyadda Ingiriiska, curashadii iyo habawgii gobannimada, dawladnimadii iyo qaranjabkii Soomaalida, abaartii Dabadheer iyo gurmadkii ku taxnaa iyo qodobbo kale. Marka laga reebo qodobka ugu dambeeya waa mawaaddiic aan xidhiidh toos ah la lahayn ladhka buugga ee Miyiga ilaa Madaxtooyada.

Xirsi waxa aan ku ammaanayaa in uu ka runsheegay xilliyo noloshiisa ku taxan oo wakhtiga iyo waayuhuba ku jiifeen. Waa taariikhda la xidhiidha noloshiisii waxmahaystanimada iyo duruufihii adkaa ee dadba kala sinnaa. Waa bilawgii geeddigiisa shaqada oo uu xusayo in uu muddalab ka noqday hudheelka Beder ee magaalada Burco iyo shaqadii uu shirkadda maanta ballaadhatay ee Dahabshiil ka bilaabay oo ahayd kaaliye fooniye. Muuqaallada caynkaas ahi waa kuwo dhiirrigalin kara dad badan oo aan ka mid ahay.

Waxa kale oo qodobbada i soo jiitay ka mid ah sida uu uga hadlay xaasaskiisa, iyo labadaraale; sida uu hoosta uga xarriiqay marwadiisii kowaad ee waayaha adag kala soo dabbaalatay Koos Maxamuud Aadan.

Dhinaca habqoraalka, walow rag aan ku kalsoonahay tifaftir ku sameeyeen, isla markaasna ay ku dedaaleen in ay saxartiraan, haddana, khaladaadka higgaadda iyo qoraalka ee buugga ka muuqdaa ma sahlana. Waxa jira bogag dhan oo aan is idhi cidiba isha ma marin. Si aad taas iila xaqiiqsato, bal ila eeg bogga 279 oo aan ka helay in ka badan ilaa soddon khalad oo dhinaca higgaadda iyo qoraalka ah.

Qaybaha ugu horreeya ee aad judhaba isha ku dhufanayso waxa ka mid ah
“Gogolxaadhka buugga” iyo saddex qormo oo koobkooban oo ay qoreen saaxiibbaday Maxamed Haaruun Biixi, Maxamed Baashe X. Xasan iyo Xasan Cabdi Madar. Qoraallada Baashe iyo Biixi waa kuwo xirfad qoraannimo iyo hufnaan huwan, hase yeeshee saaxiibkay Xasan Madar waxa uu u qoray hannaan aanan ka filayn oo cadho, abaalcelin iyo aargoosi intaba laga dhadhansan karo.

Inkasta oo aan loo xukumi karin si la mid ah sidii loo naqdiyi lahaa halabuurka suugaanta u banbaxay, haddana, gabayada uu buugga qoruhu ku soo bandhigay waxa ay u badan yihiin gabayo nuxur ahaan madhan, miisaan ahaanna laaxin badani ka muuqdo.

Cutubyada hore ee qoruhu ka warramayo taariikhaha ka soo bilawda markii gumeysigu carriga yimid, way yar tahay inta uu xusay meelaha uu ka soo xigtay. Isaga oo weliba qoruhu xusaya in aanu goobjoog ahayn.

Suugaanta halabuurka kale ee uu soo xigtay lafteeda ayuu qaar qaldayaa sida, “ninka ugu ildheer baa; dadka ugu ayaandaran” oo uu ku sheegayo in uu AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” halabuuray, halka uu heestaas oo aad caan u ah curiyay AHN Abwaan Cismaan Aadan Xuseen “Cismaan-Askari”.

Guud ahaan buugga waxa ku badan anaaniyadda iyo aniga iyo aniga. Wax kasta oo wanaagsan oo dalka ka dhacay 2010 ilaa 2015 waxa fikir iyo fulinba horseed ka ahaa qoraha. Waxa sidoo kale ka buuxa qadaf iyo ereyo aad uga meeqaam hooseeya wixii laga fili karayay buug nin aan siyaasadda layli ku ahayni qoray.

Q. 2aad:

Dhinaca kale, qoruhu waxa uu xusayaa in wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya uu isagu horseed ka ahaa, isla markaana fikradda iyo ficilka labadaba uu isagu lahaa. Waxa kale oo uu qirayaa in uu muddo dheer si qarsoodi ah u waday oo uu jiray nin Faarax Giindhe la yidhaa oo isaga (Soomaalilaan) iyo Sheekh Shariif u kala dabqaadi jiray. Ninkaas markii kowaad gurigayga ayaan ku casuumay buu yidhi, muddo kadibna waxa aan is tusay isaga iyo Wasiirkii arrimaha dibadda, oo aannu markii danbe madaxweynaha u wada geynnay.

Waxa kale oo uu buuggu bedka keenayaa qorshe Sheekh Shariif u soo bandhigay madaxweyne Siilaanyo mar uu ku soo booqday gurigiisa Landhan, qorshahaas oo uu kaga codsaday in uu Siilaanyo noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee Sheekh Shariif beddalaya. Waxa uu sidoo kale Sheekh Shariif ku sifaynayaa nin dhiirran oo go’aammo qaadan kara, wadahadalladana u soo jeeday.

Waxa uu buuggu xusayaa in dawladda Soomaaliya danaynaysay in ay sawir la gasho Soomaalilaand si ay u muujiyaan in ay midnimadii soo dabbaaleen, halka dawladaha waaweyn ee dhexdhexaadinta ku foogganaa lahaayeen dan aan taas aad uga durugsanayn oo daarran muujinta in ay yihiin dawlado xallin karaa arrinta Soomaaliya. Waxa kale oo uu buuggu xusayaa in Soomaalilaand lafteedu muujinaysay in ay tahay dal jira oo leh ilbaxnimo ay dalkii ay ka go’day ku qanciso. Saddexda dhinacba waxa uu u adeegsanayaa ereyga “muujin”. Sidaa darteed, waxa oo dhami waxa ay ahaayeen muujin iyo ismuujin.

Safarradii uu qoraha buuggu ku weheliyay madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale buugga lagu xardhay. Safarradaasi waxa ay u badnaayeen kuwo lagu iibgaynayo aqoonsiga iyo maalgashiga Soomaalilaan. Waxa se layaab leh in Xirsi sheegayo in badiba safarradaasi natiijo la’aan ku dhammaadeen.

Tusaale ahaan, safarkii ay ku tageen dalka Turkiga iyo kulankii ay Erdogan la qaateen ayuu ka hadlayaa. Waxa uu nuxur ahaan ka warramay horumarka ballaadhan ee uu ku tallaabsaday dalka Turkiga oo ah dal ay Islaamnimada u dheer tahay nidaamka dimuqraaddiyadda iyo doorashada shacabka ee madaxda. Waxa uu xusayaa in Turkigu si siman u martigaliyay wadahadalladii Soomaalilaand iyo Soomaaliya, isla markaasna aanay marna ka dareemin wax xaglin ah, maadaama aannu dareensanayn buu leeyahay in Turkigu si weyn u taageersan yahay midnimada Soomaaliya.

Waxa kale oo jiray in ay safarrada qaarkood kula kulmeen niman qalinshubato ah oo leh malaayiin doollar ayaannu idinku maalgashanaynaa, balse marka xidhiidhku waxoogay socdo dalbada in lacag aad u badan loo soo diro, si Soomaalilaan u hesho maalgashiga boqollaalka milyan ee dollar ah.

Safarkii weftiga madaxweyne Siilaanyo ku tageen dalka Koonfurta Suudaan ee ay kaga qaybgaleen dhalashadii dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika ayuu sidoo kale qoruhu ka hadlayaa. Waxa uu sheegayaa walow ay labada madaxweyne ku ballameen in ay labada qaran xidhiidh dhow oo isgarabsi yeeshaan, arrintaasi ma tisqaadin oo waa tii Koonfurta Suudaan saqiirtay.

Marka uu ka hadlayo safarkii ugu horreeyay ee ay Itoobiya ku tageen weftigii madaxweyne Siilaanyo, qoruhu waxa uu soo bandhigayaa talooyin waxku-ool ah oo Meles Senawi siiyay weftiga Soomaalilaan iyo kaftanno dhex maray labadaba. Kollayba intii aan buugga akhriyayay waa meelaha ugu xeesha dheer marka lagu eego indho ummadnimo. Talooyinka Ismaaciil Cumar Geelle u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo si dhaqaalaha Soomaalilaan kor loogu soo qaado ayaa iyaguna ah kuwo waxtar leh oo dawladda haatan joogta lafteedu ka faa’iidaysan karto haddii ay haleesho in ay buuggan akhrido.

Buugga waxa laga dareemi karaa isku daadsanaan door ah. Tusaale ahaan, waxqabadyada ay ka mid yihiin beddalka lacagta giinbaarta Burco iyo derajada ciidamadu waxa ay ku jiraan cutubka 16aad oo ku suntan “Dedaallada Ictiraaf raadinta Somaliland”. Safarradii uu madaxweyne Siilaanyo dunida ku galaabixiyay iyo madaxdii kala duwanayd ee uu kula kulmay uu kaga warramayo cutubka kaas ka horreeya ee 15aad oo ku suntan “Wasiirkii Madaxtooyada”.

Meelo badan oo buugga ka mid ah waxa aad ku arkaysaa qoraallo Ingiriisi ah oo aan la turjumin bal se af Soomaaliga caadiga ah lagu dhex tuuray. Sida aad qoraal Soomaali ah u waddo ayuun baa dhawr layn oo Ingiriisi ahi kugu soo baxayaan. Sabab sidaa loogu gartay ma fahmin. Xataa magaca buugga oo af Ingiriisi ah ayaa jeldiyaraha buugga gudaha kaga xardhan far waaweyn. In laba luqadood sidaa la isugu dhex qaso waxa looga jeeday ma fahmin. Ma waxa looga gol lahaa is xariifin iyo taana waa naqaannaa. Kollayba taa qoraha ayuun baa ka jawaabi kara.

Badiba qoraallada la xidhiidha tirooyinka ama xisaabaha ee ku xusan qaar ka mid ah bogagga buuggu waa kuwo aan si fiiro leh loo qorin oo lagu jahawareerayo, isla markaana kaa luminaysa fahamka mawaadiicda qaarkood. Runtii waxa ay u baahnaayeen tixgalin dheeri ah.

Meelo badan oo buugga ka mid ah waxa uu ku sheegayaa wax aanu ku sheegayn. Waxa aan filayaa waa arrimmo uu qoruhu doortay in uu si waayeelnimo leh u sarkaxaadiyo. Arrimahaas waxa ka mid ah: nin ka tirsan guddidii wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya oo soo jeediyay in Faysal Cali Waraabe laga reebo wadahadallada, markii soojeedintiisii lagu raacayna intuu gaar u baxay degdeg ula hadlay Faysal oo ku yidhi wadahadalladii Xirsi baa kaa reebay, taas oo sababtay in Xirsi iyo Faysal afxumooyin taxane noqday warbaahinta isula soo fadhiistaan. Arrintaas waxa uu sheegay in ay mar dambe isaga iyo Faysalba ogaadeen in laga dhex shaqeeyay. Ninkaas munaafaqa ah wuu qariyay, ma se qarsoomi karo. Waxa kale oo uu dulmarayaa in musuqmaasuq shaqada looga eryay saddex Wasiir oo xukuumaddii Siilaanyo ka mid ah, shan kalena xabsiga loo dhigay.

Bogga 317 waxa ku yaalla cinwaan u dhigan “Khaladaadkii aannu galnay”. Cinwaankaas waxa uu ku wada xusayaa khaladaad uu isagu si shakhsi ah u galay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhallinyaro shaqaale dawladeed ah oo uu shaqada ka eryay maalmihii ugu horreeyay ee muddo xileedka Siilaanyo. Waxa uu xusayaa in maadaama uu ka soo shaqeeyay shirkado gaar loo leeyahay oo shaqaalaha kolka la doono la eryi karo uu u arkayay in hay’adaha dawladduna la mid yihiin, bal se uu markii dambe fahmay in xeer iyo nidaam loo raaco oo hay’adda shaqaaluhu awood u leedahay shaqo ka-eryidda shaqaalaha.

Waxa kale oo uu qaybtaas kaga warramayaa shakhsi uu ixtiraamayay oo ka codsaday in uu kala hadlo maxkamad ay wax kaga xidhan yihiin. Xoghayihiisii ayuu deetana ku odhanayaa qoraal maxkamadda ku socda oo arrintaas ka hadlaya ii diyaari, waxa se uu xoghayahu u diyaarinayaa qaab-qoraal oo aan sax ahayn nidaam ahaan iyo sharci ahaanba. Sidaas ayuu qoruhu ku saxeexayaa isaga oo aan hubsan. Waxa se uu nasiibwanaag ku sheegayaa in warqaddaasi ku beegantay nin ay saaxiib ahaayeen, sidaasna uu ku badbaaday. Walow uu qoruhu qiray gefafkaas maamul haddana waxa uu ku doodayaa in aannu ka qoomammaynayn maadaama aannu si badheedh ah u samayn.

Waxa uu sidoo kale xusayaa khaladaad ay galeen xukuumad ahaan, kuwaas oo ay ugu mudan tahay in hal mar la wada beddalay agaasimayaashii guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, taasina ay keentay in ay meesha ka baxdo xusuustii maamul ee hay’adaha dawladdu (institutional memory). Qaybtan waxa uu sidoo kale ku sheegayaa in caddaaladda, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa ay isku dayeen in ay wax ka qabtaan, bal se uu rumaysan yahay in ay ka gaabiyeen ama aanay saarin culayskii loo baahnaa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu noqonayaa siyaasigii kowaad ee saamayn sidan u ballaadhan ku leh mujtamaca ee waayihiisii siyaasadeed ee tagtadii dhoweyd wax ka qora. In uu wax qoray iyo in uu arrin inta badan laga warwareego wax ka qorayba waan ku bogaadinayaa. Buuggiisan “Miyiga ilaa Madaxtooyada – Socdaalkaygii Guusha” waxa uu ku xusayaa siyaasiyiin door ah oo uu dhacdooyinka qaar marag u qabsanayo. Ma habboona in siyaasiyiintaasi arrimahaas ka-hadalka u baahan kaga jawaabaan af Soomaali mutaxan iyo ismaqiiq. Buuggu waa tacab qof oo dhaxal ummadeed galaya, sidaa darteed, waxa mudan in wixii ay qoonsadaan ama ba si kale u quseeya ee buuggan ku xusan ay kaga jawaabaan buug dhiggiisa ah.

 

Q. 3aad:

Qoruhu waxa uu ka warramayaa sidii koritaankiisa shaqo ula jaanqaaday koritaankii xawliga ku socday ee Dahabshiil iyo waayo’aragnimadiisii shaqada ee shirkadda, laga soo bilaabo: shaqadii fooniyaha, karraani xafiiska Hargeysa ah, maamulaha Hargeysa-B, khasnajiga guud, maamulaha IT-ga, iyo ilaa maamulaha guud ee Somtel. Qaar ka mid ah marxaladahaas kala duwan ee shirkadda Dahabshiil uu la soo wadaagay ayuu aad ugu dhaadhacayaa, taas oo saamayn ku yeelan karta tartanka shirkadda ee suuqa ganacsiga, maadaama uu ganacsigu inta badan ku dhisan yahay sir ama siro.

Waxa uu xusayaa in mulkiilaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale aaminsanaa in aan shirkadda Somtel weli dhammays ahayn, sidaas darteed daahfur degdeg ahi uu fashil abuuri karo. Qoruhu waxa uu sheegay in Maxamed Siciid Ducaale iyo maamulkii kale ee la aragtida ahaaba uu isku dayay in uu ku qanciyo in dhakhso shirkadda loo daahfuro maadaama uu aaminsan yahay in ay shirkaddu qabyatiran tahay, isla markaasna uu maalin kasta kharash badani ku baxo hawlsocodsiinteeda iyo mashiinnadeeda iska daaran ee aan ilaa hadda dadku ku wadahadal. Waxa uu raacinayaa in uu guul weyn shirkadda u soo hooyay oo uu muddo dhawr bilood ah oo uu hagayay u horseeday in ay qabsato 25% suuqa GSMka. Haseyeeshee dad badan ayaa aaminsan in shirkadda oo ay dadweynuhu aad ugu hanweyn yihiin dhakhso looga niyadjabay kadib markii qalabkoodu awoodi kari waayay inuu qaado culayska macaamiishii tirade badnayd, isla markaasna ay soo foodsaareen cillado farsamo oo ku-wadahadalkeeda caqabad ku noqday.

Qoraagu waxa uu sidoo kale ka warramayaa xafiiltannadii ganacsi ee la soo dersay muddadii uu xafiiska madaxtooyada joogay, kuwaas oo uu ku xusayo muran xooggan oo u dhexeeyay ganacsato isku eryanayay hanashada xadhigga badda hoosteeda mara (Fibre Optic Cable), kaas oo buuqiisu muddo taagnaa. Xadhiggaas Internetka oo kooto loogu xidhay ganacsadaha Maxamed Aw Siciid ayuu buuggu ku tilmaamayaa mushkilad aad u weyn oo dhaawacday hannaankii siyaasadeed ee xukuumadda cusub.

Qoraagu waxa uu sheegayaa in 15.08.2010 ay madaxweyne Siilaanyo u yimaaddeen dad uu ka xasuusto Muuse Biixi, Samaale, Samsam Cabdi Aadan, Cali-Gobannimo iyo Aamina Timadheer, oo uu soo abaabulay ganacsade Maxamed Aw Siciid. Waxa uu xusayaa in ay dadkaasi madaxweynaha weyddiisteen in xadhiggii badda hoosteeda marayay ruqsaddiisa la siiyo oo kooto looga dhigo, madaxweynuhuna oggolaaday. Arrintaa in uu dood ka abuuray ayuu tilmaamayaa, isaga oo bedka soo dhigay sida ay “kootadu” u khilaafsan tahay dastuurka qaranka.

Buugga waxa ku yaalla faan badan oo ka badbadis ah. Faankaa xaqiiqadiisa wax baa ka jira oo been ma aha, hase yeeshee, waxa aan muuqan sabab uu isagu carrabka ugu adkeeyo mar haddii in badan oo dadka ka mid ahi qirsan yihiin.

Buugga waxa marar kala duwan ku soo noqnoqonaya mucaaradaddii xilkaa cusub ee Xirsi bulshadu kala hor timid. Waxa uu sheegayaa in sababaha dadku u maagayeen ahayd xasad, quudhiwaa’, dhallinyarannimo iyo caannimo la’aan. waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa in loola dagaallamayay sababo daarran ama ku soo ururaya: “Xirsi halkiisa aniga ayaa ku wanaagsanaa iyo maxaan Xirsi u noqon waayay.”

Waxa kale oo uu sheegayaa in saamayntiisu gaadhay heer ay halhays noqotay in magaca Xirsi loo macnaysto “Awoodda leexsan ee maamul” oo la yidhaahdo; halkan yaa ka Xirsi ah iyo halkan aniga ayaa ka Xirsi ah. Haseyeeshee meelna Xirsi kuma xusayo in uu isagu marna sabab u ahaa maaggii bulshada iyo diidmadii dareenka shacabka.

Qoruhu waxa uu sidoo kale inoo soo tebinayaa in uu madaxweynaha khudbadaha u diyaarin jiray, khudbadahaas oo dhinacyo kala duwan ka eegi jiray. Waxa uu dhalliilayaa in madaxweynuhu isa soo taago warbaahinta oo isaga oo aan soo diyaarsan khudbad tifaftiran uu wax iska shubo. Khudbadaha madaxweynaha ee uu sida weyn ugu farayaraystay waxa ka mid ah mid uu 2012 madaxweynuhu jeediyay oo uu ka mid ahaa halkudheggan taariikhda galay: “Boqol sannadood haddii ay gaadhayso madaxbannaanida Soomaalilaan waa muqaddas”.

Bogga 195 waxa uu ku sheegayaa in sannadkii 2012 ay dawladda Ingiriisku soo saartay digniin nabadgalyo oo lid ku ah Soomaalilaan, taas oo sababtay in ay dalka ka baxaan shirkadihii shidaalka baadhayay iyo dadkii ajenabiga ahaaba. Waxa aan soo jeediyay in si aynnu qaran ahaan u muujinno amniga buuxa ee dalka uu madaxweynuhu marka uu dhammaysto khudbad uu Baarlamanka ka jeedinayay uu lugeeyo ilaa suuqa intii suurtagal ah.

Arrintaa Wasiir Duur oo arrimaha gudaha ahaa baa ka soo hor jeestay oo yidhi waa khatar oo uma badheedhi karno, dadkii kale oo aanu qoruhu xusin balse uu sheegay in ay meesha joogeen ayaa ayiday aragtida Duur ee amniga. Aakhirkii se madaxweynaha ayaa soo afjaray oo yidhi “waan ku raacsanahay Xirsi ee khatar kasta oo ay leedahay aynnu u badheedhno, naftu maalin bay leedahay, qarankuna aniga ayuu i doortay, khatar kasta inaan wajahana diyaar baan u ahay.”

Buugga waxa ku yaalla agab badan oo uu Wasiirku sheegayo in loo soo iibiyay madaxtooyada ama hay’adda waddooyinka, kuwaas oo uu ku darayo liiska guulihiisa. Laakiin meel kali ah kagama hadlayo qandaraas ay ku bixiyeen gaadiidkaas, qalabkaas ama agabka kale ee ay soo iibsadeen oo aan hubo in aanay naadin guddida qandaraasyada qaranku, laguna tartamin.

Buugga waxa uu meelo kala duwan ku xusayaa in uu isagu ahaa curiyaha xalal qaranka lagaga badbaadinayay xaaladihii adkaa ee waqtigaa soo foodsaaray. Arrimaha uu xallilay ee wax-kasooqaadka leh waxa ka mid ah markii uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay, iyada oo uu dalku ku jiro xaalad dhaqaale la’aaneed oo baahsan, isla markaana khasnadda dawladdu cas tahay. Qoruhu waxa uu inoo soo tebinayaa in xaaladdaas dhiillada leh uu madaxweynaha uga warbixiyay wasiirkii maaliyadda ee xilligaas Md. Maxamed Xaashi Cilmi.

Madaxweynuhu in uu warkaas aad uga naxay ayuu xusayaa. Ereyada uu madaxweynuhu yidhi ee qoruhu soo xiganayo waxa ka mid ahaa “waar meeshii aannu ku soo soconnay ma sidaasaa?” iyo “waar adeer maxaa innagu watay, Ilaahow yaa haraggeedii innagaga celiya”. Iyada oo halkaas maraysa ayuu Xirsi soo bandhigayaa xalka mashkiladdaas. Waxa uu soo jeedinayaa in ganacsatada laga soo amaahdo lacag dalka lagu wado marxaladdan kalaguurka ah. Siilaanyo sida uu ugu nefisay xalkaa ee ugu guuxay ayuu qoruhu xusayaa. Arrintii sidii ayay u hirgashay, waxaanay taasi suurtagalisay in dawladdu lacagtaas ay soo deynsatay ku maarayso hawlihii qaranka.

Qoruhu waxa uu sheegay in xataa madaxweyne Siilaanyo ka werwersanaa hirgalinta waddada Ceerigaabo. Waxa uu tilmaamayaa in dad badan oo dano kala duwan lihi dedaalladiisii ka hor yimaaddeen, balse aanu marna hankiisu dumin. Aakhirkii se jidkaas Ceerigaabo wuu hirgalay.

Heshiiska Xaglatoosiye iyo xukuumadda Soomaalilaand ayuu sidoo kale Xirsi sheegayaa in uu lafdhabar u ahaa. Waxa kale oo uu xusayaa dedaallo badan oo uu qoruhu hagayay ama qayb ka ahaa, kuwaas oo la xidhiidha sidii loo xallin lahaa ismarinwaaga muddada jiitamayay ee u dhexeeya xukuumadda Soomaalilaand iyo gobollada bariga.

Qoraagu waxa uu ka warramayaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhexeeyay isaga, madaxweyne-kuxigeenka iyo madaxweynaha oo marar badan dhibaato isaga ka soo gaadhay. Waxa uu xusayaa in Saylici la iman kari waayay karti iyo awood uu ku hanto qalbiga madaxweynaha. Waxa uu tilmaamayaa in culays ka soo gaadhay qawadka shaqo ee madaxweyne-kuxigeenka iyo awoodaha xaddidan ee uu dastuurku u jideeyay. Waxa kale oo uu sheegayaa in badiba xukuumadda la isku shaandhayn jiray iyada oo aanu Saylici ogayn, bal se isaga oo uga dan leh in uu soo dhowaysto uu maalin la wadaagay xogta isku shaandhaynta, hase yeeshee uu Saylici judhiiba taas ka horyimid, oo aragti kale ka hor keenay. Waxa uu sheegayaa in aanu madaxweyne-kuxigeenku ahayn qof shakhsiyad ahaan xun bal se uu yahay dadka wax iskaga dhega ee ra’yigooda inta badan ku adkaysta.

Buugga waxa ku taalla sheeko dulucdeeda uu qoruhu ku muujinayo siyaasiyiinta beenta caadaystay ee Somaliland. Siyaasiyiintaa waxa uu astaan uga dhigayaa Maxamed Kaahin oo uu si dadban u xusayo in aad loo tuhmo balse uu dadka harawsado. Sheekadaas marka aad dhammayso waxa aad dareemaysaa in aanay tusaale lagu qanci karo u noqon karin beenta uu ku sifeeyay Maxamed.

Waxa xiise gaar ah leh in musharrixii uu Xirsi sida weyn u watay loollankii xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee uu dhisayay Md. Maxamed Biixi Yoonis, ay qoyska Siilaanyo wax yar ka hor magacaabistiisii arrimaha dibadda, isaga iyo Xirsi isku bareen Addis Ababa. Qoraagu ma xusayo cidda ay tahay “qoyska Siilaanyo”, taas oo dhawr meelood kaga jirta qoraalka buugga.

Buuggan oo uu qoruhu ugu wanqalay “Miyiga ilaa Madaxtooyada” waxa aynnu xusnay in uu ka soo bilaabmayo taariikh noloshiisa ka horraysay oo ku taxan dhammaadkii qarnigii 19aad iyo imaanshihii gumaystaha ee carrada Soomaalida. Si taas la mid ah ayuu ku dhammaanayaa taariikh xilhayntiisii Madaxtooyada ka dambaysay, waxaanu ka warramayaa doorashadii, ololihii iyo aqbalaaddii Waddani ee natiijada.

Waxa uu daaha ka faydayaa aragtidiisa ku aaddan sababihii dhaliyay guuldarrada xisbigiisa Waddani, kuwaas oo uu ka xusayo khaladaad uu xisbigoodu sameeyay oo horseeday tuhunka ay ka qabaan in codadkoodii la lunsaday. Khaladaadkaas waxa ka mid ahaa nidaamkii soo gudbinta tirada codadka Xisbiga ee muraaqibiinta oo isweydaar ku dhacay iyo gobollada Maroodijeex iyo Saaxil oo ay Waddani u joogeen muraaqibiin aan tababarnayn, goobo badanina ay bilaa muraaqib ahaayeen. Waxa kale oo uu sheegayaa in uu isagu Guddoomiye Cirro ku qanciyay in uu natiijada doorashada aqbalo, maadaama codad badan Xisbiga lagaga horreeyo, ilaalinta nabadgalyada iyo midnimada qarankuna u tahay (Cirro) taariikh la majeeran karo.

Waxa aan tebayaa qodobbo xiise leh oo aan buuggan ku jirin, kuwaas oo u baahan iftiimin dheeraad ah. Qodobbadaas waxa ugu mudan aasaaskii urur-siyaasadeedka Nasiye oo ay dad badan oo uu guddoomiyihii ururku ka mid yahay sheegaan in Xirsi lahaa fikradda aasaaska, abaabulka iyo dhaqaalaha hawlsocodsiinta intaba. Waxa la sheegaa in markii warka ururkaas Nasiye madaxweynaha gaadhay uu qoruhu dhaar ka maray in uu wax shaqo ah ku leeyahay. Waxa kale oo xusid mudan in marar door ah oo arrintaa warbaahinta laga weyddiiyay uu qoruhu deeddafeeyay.

Waxa kale oo aan tebayaa qisada inantii Nadra Maxamed Jaamac ee uu hoggaamiyuhu xabsiga dhigay. Arrinta inantaa si kasta oo sharciga loogu saleeyo iyo si kasta oo uu ugu doodo in ay ku geftay, xadhiggii iyo jawaabihii adadkaa ee uu kaga jawaabayba waxa ay ahaayeen foolxumo weyn oo gabboodfal ku ah dhaqanka suubban.

Gunaanad:

Waxa aan ilaa saaka arkayay buuggii oo PDF ah oo wareegaya baraha bulshada. Tallaabadaasi haddii ay ku timid fasaxa qoraha waa wax caadi ah, haddii se ay meel kale ka timid waa gabboodfal weyn oo aad u xun, kaas oo saamaynaya cid kasta oo buugga gacanta ku haysay, isla markaasna dan kasta oo ay ku doorsatayba buuggii oo fudud (soft) suuqyada ku sii daysay. Waxaan u arkaa jariimad aad u weyn oo tallaabo sharci mudan.

Waxa aan rejaynayaa in qoraha loogu cudurdaari doono khaladaadka aanu u badheedhin ee buuggan ku yaalla. Waxa kale oo aan rejaynayaa in qoruhu khaladaadka sida habboon loogu soo tebiyo uu ku soo sixi doono daabacadaha dambe.

Ugu dambayn, buuggani waa ifafaale wanaagsan oo wax badan laga baran karo, isla markaana hoggaaminta maanta lagu dabbaqi karo ka faa’iidaysiga iyo sixidda gefafkii maamul iyo hoggaamineed ee dalka ka dhacay muddo-xileedkii madaxweyne Siilaanyo. Haddii se ay tii shalay oo kale ama mid ka sii xumi maanta dalka ka jirto, bilaash baa Xirsi looga daba qaylinayaa.

DHAMMAAD.

27-29/1o/2018

Maxammad Saleebaan Cumar

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Twitter: @ halabuur

Weedhsan Magazine: Download Free

.